Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo itoobiya ay gasho uu yahay mid aan xaqiiq ku fadhin.
Qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayuu ku sheegay in dowladda itoobiya ay abaal u heyso saaxiibada walaaca ka muujinaya xaalada itoobiya iyo in ay lugaha la gasho qalalaase .
Howlgalka ciidanka itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega ayuu ku tilmaamay mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadaan cadaaladana ay wajahaan qas wadayaasha.
‘‘Howlgalkeena meel marinta nidaamka sharciga waxaan u nahay dal madax banaan oo awood u leh in uu maareeyo arimihiisa gudaha‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dhawaan ay soo afjarayaan howlgalka ka socda gobalka Tigreega.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com