Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

RW Abiy Axmed oo war cusub ka soo saaray Xaaladda cakiran ee ka taagan dalka Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo itoobiya ay gasho uu yahay mid aan xaqiiq ku fadhin.

Qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayuu ku sheegay in dowladda itoobiya ay abaal u heyso saaxiibada walaaca ka muujinaya xaalada itoobiya iyo in ay lugaha la gasho qalalaase .

Howlgalka ciidanka itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega ayuu ku tilmaamay mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadaan cadaaladana ay wajahaan qas wadayaasha.

‘‘Howlgalkeena meel marinta nidaamka sharciga waxaan u nahay dal madax banaan oo awood u leh in uu maareeyo arimihiisa gudaha‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dhawaan ay soo afjarayaan howlgalka ka socda gobalka Tigreega.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...