Dhuusamarreeb (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo Maamulka Ahlu sunn Waljameeca ayaa isku waafaqay in ciidamo ka socdo dowladda Federaalka aan la geynin deegaannada Ahlu Sunna.
Waxaa Magaaladda Dhuusa-mareeb shir ku yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.
Labada dhinac ayaa waxay si dhow uga wada hadleen cidda sugeysa amniga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmidug, ee 5-ta bisha soo socoto ee August lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa wada maalmihii dambe qorshe ku aadan in ciidamo ka socda dhanka dowladda la geeyo magaaladda Dhuusa-mareeb,balse qorshahaas ayaa fashilmay.
Labadii maalin aynu soo dhaafnay magaalooyinka Dhuusa-mareeb, Guriceel iyo cadaado waxaa laga soo celiyay diyaarado waday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com