Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

RW Xasan Cali Kheyre oo Ku Fashilmay Qorshihii Ciidamo ku geyn lahaa Dhuusamareeb

Dhuusamarreeb (Halqaran.com) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo Maamulka Ahlu sunn Waljameeca ayaa isku waafaqay in ciidamo ka socdo dowladda Federaalka aan la geynin deegaannada Ahlu Sunna.

Waxaa Magaaladda Dhuusa-mareeb shir ku yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo Hoggaamiyaha Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Labada dhinac ayaa waxay si dhow uga wada hadleen cidda sugeysa amniga shirweynaha dib u heshiisiinta Galmidug, ee 5-ta bisha soo socoto ee August lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa wada maalmihii dambe qorshe ku aadan in ciidamo ka socda dhanka dowladda la geeyo magaaladda Dhuusa-mareeb,balse qorshahaas ayaa fashilmay.

Labadii maalin aynu soo dhaafnay magaalooyinka Dhuusa-mareeb, Guriceel iyo cadaado waxaa laga soo celiyay diyaarado waday ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...