Xildh. Cabdi Shire ”Xukuumada Kheyre Badela inta aan gudaha loo gelin Villa Somalia.”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar jecel) oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadlay qaraxii Arbacii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Maamulka gobolka Banaadir.

Tix uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu Xukuumada Ra’iisul wasare Xasan Cali kheyre ku eedeeyay xil gudasho la’aan, isagoona Tixda uu tiriyay kusoo jeediyay in la bedelo ay haboon tahay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre inta aan la gelin Villa Soomaaliya.

Haddaba hoos ka Akhriso Tixda uu tiriyay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel.

”Haddii gobolkii la galay

Gudoomiyeyaal ay go’een

Yariisow garaabo yahaz

Xilkiinii aad gabteen

Hadana guul sheegataan

Gaf iyo waa meel ka dhece

Gadood shacab intuusan ima

Filada aan leydin ku galin

Garoowshiiyo muujiyoo

Golaha xukuumadda bedela

Xil gudasha la’aan darteed

Gaalshire waa in loo diraa

Kuwii amnigeena gabay ..”

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com