Sunday, December 14, 2025
25.5 C
Mogadishu

AKHRI: Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis + (Magacyo)

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis, ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.

Wareegtada Madaxweynaha Somaliland ayaa u qorneyd:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;

Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka

Ku: Cabdi Nuur Sugaal;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;

Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka

Ku: Maxamed Abiib Yuusuf;
Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Mudanayaal

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDO : MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan.

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland

Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal

Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka.

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...