Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

FBI-da Mareykanka oo Xabsiga dhigtay Wiil Soomaali oo Daacish ku biiray

USA (Halqaran.com) – Ciidanka FBI-da Mareykanka ayaa xabsiga dhigay laba wiil oo Somali ah kuwaasi oo qorsheynaayay inay ku biiraan Daacish.

Labadan wiil Somalida ah ayaa falka Mareykanka waxa ay ku joogeen arrimo Qaxootinimo, waxaana la qabtay iyaga oo doonaya inay u dhoofaan dalka Masar, halkaasina kaga sii gudbaan goobaha Daacish ay joogaan.

FBI-da Mareykanka ayaa Isniintii shaacisay xarigga wiilashan oo muddo bilo ah qorsheynayay safarkooda, waxaana FBIda xogtan siiyay qof si qarsoodi ah ula shaqeeya Hay’adda FBI-da oo ay la wadaageen dhaq dhaqaaqa Saafrkooda sida ay sheegtay Maxkamadda loo gudbiyay.

Labadan ee la qabtay xilli ay doonayeen inay u safraan dalka Masar kadibna Daacish ay ku biiraan ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay Axmed Mahad Maxamed oo 21 jir ah iyo Cabdi Yamani Xuseen, kuwaas oo uu midka hore Green Car ku joogo dalka Mareykanka halka Ninka dambe qaxootinimo wali ku joogay dalka Mareykanka.

Qorshaha raggaan waxaa la sheegay inuu ahaay inay noqdaan rag argagixiso caan ah islamarkaana dadka dila & kuwa dadka qoorta ka gooya inay noqdaan.

Sida Xogtooda loo helay ayaa waxa ay tahay in Bishii sideedaad ee sanadkii la soo dhaafay qof ay saaxiib yihiin Internetka ay uga sheegeen qorshaha ay damacsan yihiin, balse qof kaasi ayaa noqday Sirdoon FBI-da la shaqeeya.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...