Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo ka hadlay marxaladda uu soo maray heshiiska doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda lagu soo xirayo shirka Wadatashiga qaran ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan waxyaabaha madaxdu ka wada hadleen iyo sidoo kale sida loo xaliyay khilaafkii taagnaa.

Waxaa uu sheegay in heshiis laga gaaray waxyaabihii  qodobadii lagu kala duwanaa oo ay ugu horreyso arrinta gobolka Gedo, waxaana intaas uu ku daray in dhammaan qodobadii ugu muhiimsanaa la isku racay heshiisna la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa u mahah celiyay dhamaan madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ee maxamed Cabdullahi Farmaajo kuwaas oo uu sheegay inay lahaayeen in laga heshiiyo doorashada oo muran xooganaa uu ka taagnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in aysan si qaldan wax u raadin balse waxkasta ay isaga horyaalaan.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...