Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Nin xaaskiisa dhaawac xun ugeystay kadib markii uu ku riyooday in ay gogol dhaaf sameysay!

Egypt (Halqaran.com) – Nin ayaa isku dayay in uu dilo xaaskiisa kadib markuu ku riyooday in ay sameysay gogol dhaaf iyadoona dhaawac xun uu ka soo gaaray cunaha, waxayna dhacdadaan ka dhacday xaafadda Shubra El Kheima oo ka tirsan gobolka Qalyubia oo caasimadda Masar ee Qaahira dhanka waqooyi ka xigta.

Muuqaal dhawaan la faafiyay ayaa muujinaya in la qabtay ninkaan oo sida la sheegay qaba cudurka dhimirka.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Mohammad S. ayaa la geeyay xabsiga magaalada Shubra El Khaimah kadib markuu isku dayay inuu baxsado, ninkaan ayaa waxaa dharkiisa ka muuqday dhiig fara badan isagoona gacanta ku heystay nuqullo kamid ah Qur’aanka Kariimka.

Ila wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in eedeysanaha uu hadalo yaab leh ka sheegay intii uu socday baaritaanka, isagoona yiri “Markaan seexday ayaan ku riyooday in xaaskeyga ay i khiyaantay, sidaa darteed waxaan go’aansaday in aan ka takhaluso iyada.”

Nasiib wanaagse, xaasku waa nooshahay waxaana lagu dabiibayaa isbitaal iyadoo ku jirta qolka daryeelka deg dega ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...