Nigeria (Halqaran.com) – Waxaa la la’yahay dhowr qof oo ku nool Waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay u kala go’day laba qeybood kadibna quustay.
Rakaabka saarnaa doonida ayaa u badnaa haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo safray dalka Niger kuna sii jeeday gobolka Kebbi ee dalka Nigeria
Mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa sheegay in illaa 40 qof la soo badbaadiyey, laakiin xaalku uma eka in dad badan lasoo samata bixin karo.
Saraakiisha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in quusayaasha iyo shaqaalaha gurmadka ay isku dayayaan inay badbaadiyaan dadka kale ee doonta la rogmatay. Shan mayd ayaa lagu soo warramayaa in la helay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





