Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa maanta booqasho taariikhiya ah ku tagay Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo booqashadiisaan ay qaadan doonto Afar iyo labaatan saac.
Madaxweynaha Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.
El-Sisi ayaa Madaxtooyada Magaalada Djibouti kulan kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay arrimo dhowra, oo ay ugu horeeyaan xiriirka labada dal, amniga, dhaqaalaha iyo xiisadda Masar kala dhaxeysa Itoobiya ee ka dhalatay biyo xireenka ay Itoobiya ku samaynayso biyaha Webiga Nile.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u sheegay dhigiisa Masar in Jabuuti ay gacan ka gaysan doonto, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa labada dal, isla-markaana loo gaari lahaa heshiis ay ku mideysan yihiin Itoobiya, Suudaan iyo Masar.
Si kastaba, waa booqashadii ugu horreysay oo Madaxweyne el-Sisi uu ku taggo dalkaasi Jabuuti, tan iyo markii uu xilka qabtay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





