Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Khamiistii maanta war-murtiyeed laga soo saaray shirkii Madasha wadatashiga doorashooyinka ee mudada Afarta maalin ah uga socday teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka banaadir.
Qodobbada heshiiska doorashada ee la soo bandhigay ayaa waxaa ugu waaweyn
1: In Dib u eegis ku sameeyay soo jeedintii guddiyada ku shiray Baydhabo
2: In xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loo gudbiyo gudiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashada ka jirto muddo saddex malmood gudahood ah
3: In guddiga Doorashooyinka ay dhaxdooda iska soo doortaan guddoonkooda.
4: In Guddoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.
5: In guddiga doorahada Somaliland uu 6 Xubnood uu soo magacaabo Guddoomiyaha aqalka sare.
6: In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.
7: In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.
Arinta Somaliland ayaa waxaa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaaraha, asaga oo la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Hadda halka hoose ka Akhriso War-murtiyeedka Shirka Madasha wadatashiga doorashooyinka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





