Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in arrinta badda ay ka madax bannaan tahay soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii ay soo if-baxeen warar sheegaya in Soomaaliya ay dib ula soo noqoneyso kiiskeeda.
“Muranka badda waxaa soo gaba-gabeeynaya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda kaddib dhageysigii soo dhammaaday 15 illaa 18-kii Maarso ee sanadkan, waxaana sugeynaa xukun caddaalad ah” ayuu Mahdi Guled ku soo qoray bartiisa Twitterka, isagoo sii raaciyay “Arrinta badda gooni ayay ka tahay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal”.
Sidoo kale, Mahdi Guuled ayaa ah u qeybsanaha dowladda Soomaaliya ee arrinta dacawadda badda, isagoo hoggaaminayay wafdigii Soomaaliya ee ka qeybgalay dhageysiga dacwaddaas labadii jeer ee ugu dambeysay.
Kenya ayaa dhowr jeer oo hore dalbatay in wadahadal uu hormuud ka yahay Midowga Africa lagu dhammaayo muranka badda, hase yeeshee Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya ay ku kalsoontahay go’aanka maxkamadda ICJ, Isla markaana ay Soomaaliya dooneyso in loo sameeyo xad rasmi ah oo u dhexeeya labada waddan.
Dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii ku dhawaaqday inay dib u soo celineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Kenya, kaddib markii ay dhex-dhexaadisay dowladda Qadar oo wafdi uu hoggaaminayay Dr. Muthlaq bin Majed Al-Qahtani u soo dirtay labada dal, isagoo la kulmay Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Si kastaba, DF Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dowladda Kenya 15-kii December 2020-kii, iyadoo ku eedeysay inay faragalin ku heyso arrimaheeda gudaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





