Friday, March 13, 2026
26.5 C
Mogadishu

Turkiga iyo Qaramada Midoobay oo bogaadiyay soo celinta xiriirka Somaliya iyo Kenya

Muqdisho (Halqaran.com) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa bogaadiyay Doorka Dowladda Qatar ka qaadatay soo celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujrik, ayaa waxa uu ku sheegay inuu Antonio Guterres muujiyey Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee soo celinta Xiriirkooda Diplomasiyadeed.

Sidoo kale qoralka ayaa lagu muujiyey inay Tallaabadaasi horseedi doonto inay labada dal si buuxda u soo ceshan doonan Xiriirkooda oo lama huraan u ah Degananaashaha iyo iskaashiga Mandiqadda Geeska Afrika.

Geesta kale, Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweysay soo celinta Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan arrintaasi, isla markaan ay ku qanacsan yihiin dadaalka ay Dowladda Qatar ku bixisay in horumar laga gaaro soo celinta Heshiiska Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu xusay inay Dowladda Turkiga taageerayaan dadaalada lagu xalinayo Colaadaha ka aloosan Geeska Afrika, iyadoo loo marayo Wada-xaajood iyo is-afgarad horseeda Heshiis Guud.

Ugu dambeyn, DF Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay dib u soo celisay Xiriirkii Diplomasiyadeed oo ay Kenya la lahaayeen, kaasi oo jarnaa tan iyo bishii December 15-dii ee sanadkii hore ee 2020-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...