Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xaflad sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo +(SAWIRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusaya.

Waxaa kasoo qeyb galay xafladaasi mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur Galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...