Monday, May 11, 2026
28 C
Mogadishu

Itoobiya oo digniin deg-deg ah u dirtay Beesha Caalamka

Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay iska dhaafaan faro galin kasta oo aan sharciga caalamiga ku qotomin, taas oo ku saabsan arrimaha gudaha Itoobiya .

War qoraal ah uu ra’iisul wasaaraha soo saaray ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay awooddo in arrimaha ka socda dalkeeda sharciyadeeda ku xaliso oo aan loo baahneyn faro galin shisheeye.

RW Abiy ayaa waxa uu tilmaamay in Itoobiya ay ka mid tahay waddamada wax ka aasaasay Qaramada Midoobe, islamarkaana sharciga Qaramada Midoobe uu si cad u qeexayo in aan dal kasta xaq u leeyahay ilaalinta midnimadiisa iyo madaxbanaanidiisa.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa imaanaya iyada oo ay isa-soo tarayaan baaqyada caalamka ee ku wajahan in wada hadal lagu xaliyo xiisada ka taagan waqooyiga dalkaasi.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa shalay yeeshay kulan gaar ah oo diirada lagu saarayay xaaladda Itoobiya

Ugu dambeyn, waxaa maanta dhamaaday 72-saac oo dowladda Itoobiya u qabatay ciidanka TPLF, iyaga oo sheegay in haddii saddex cisho dhamaato ay weerari doonaan magaalada Mekelle ee xarunta ismaamulka Tigrayga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...