Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Baarlamaanka Puntland oo maanta Ansixiyay Miisaaniyadda sanadka 2021-ka

Garoowe (Halqaran.com) – Fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Cabdi Casiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Xildhibaannada ku ansixiyeen Miisaaniyadda sanadka 2021.

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 54 Mudane, iyaga oo dood adag ka yeeshay Miisaaniyadda Puntland, ka dib soo gudbinta warbixinta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka sida uu qabo qodobka 64-aad, iyo 135-aad ee Dastuurka DPL, iyo qodobka 58-aad, 62.6-aad iyo 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.

Dooda Odoroska Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Golaha la horkeenay waxay dhan tahay $ 341,861,037 ( Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 ( Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).

Ugu dambeyn, Dood kadib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda sanadka 2021., waxaana guddoomiyaha Wakiillada Puntland Cabdirashid Yuusuf Jibril uu fadhiga ka sheegay in ay ansax tahay miisaaniyadda 2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...