Baydhabo (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Ciirow ayaa sheegay in deegaannada Koonfur galbeed ay ka billaadeen diyaar garow ku aadan howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha oo Faah-faahiyay kulan dhex-maray Ra’iisul Wasaare Rooble Taliska Ciidamada xoogga qeybta 60aad iyo AMISOM in la isku afgartay in la bilaabo dagaal iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Maxamed Sheekh Ciirow ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay la socdaan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaannada Koonfur Galbeed, iyada oo la guda galayo xilli doorasho, islamarkaana Ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan falalka amni darro oo ay geysan karaan.
Hadalka Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee Ciidamadaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weeraro ka geystaan deegaannada koonfur Galbeed, iyadoo isla xalay degmada Waajid ee gobolka Bakool ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada dowladda, xaasikiisa iyo Carruurtiisa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





