Monday, June 1, 2026
26.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

RW Rooble iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa, mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah safarro uu ku marayo dowlad-goboleedyada dalka oo diiradda lagu saarayo wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinnta adeegyda bulshada iyo qodobbo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Puntland soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey, waxuna sheegay in Xukuumaddiisu ay xoogga saaraysa adkeynta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad gobolleedyada dalka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqan doona dowlad goboleedka Galmudug oo uu kula kulmi doono madaxda iyo bulshada.

Ugu dambeyn, Wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan gollahiisa wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DF Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...