Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in u jeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ee socdaalkiisa Jowhar ay tahay in uu u kuurgalo xaaladaha ka jira Deegaanada Hoostaga magaaladaasi iyo ka jawaabidda cabashooyin kasoo yeeray bulshada Hirshabeelle.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa si gaar ah ugu kuurgali doona xaaladaha fatahaadaha ee kajira magaaladaasi iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilaafka weli ka taagan doorashadii dhawaan ka dhacday magaaladaasi Jowhar
Wararkii ugu dambeeyay ee aan helnay waxaa ay tilmaamayaan in saaka ammaanka magaalada Jowhar la adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u farabadan oo ammaanka sugaya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





