Muqdisho (Halqaran.com) – Soomaaliya ayaa weyneysa fadhiyada soo socda ee QM in wax cod ah ay ku yeelato fadhiyada Jamciyadda loo dhan yahay maadaama ay bixin weysay lacagihii deynta ee QM ku lahayd.
Iran iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyo Jaziirada Comoros ayaa qeyb ka ah kuwa aan codka ku yeelan doonin fadhiyada QM yeelanayaan ilaa bisha September.
Dowladahaan qaarkood ayaa lacagihii lagu lahaa ay dhaafeen xadiga lacagta codeynta loogu talagalay inay QM siiyaan.
Wadamadan qaarkood ayaa lagu leeyahay 2 sano, halka kuwa kalana ay intaasi ka badan yihiin.
Iran deynta ku taagan waa $16,251,298, halka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe lagu leeyahay 29,395 oo doolarka Mareykanka ah.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





