Garoowe (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku sugan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka oo ahaa mid salaan iyo isbarasho ah ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyada oo ay labada dhinac uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka Soomaaliya ee uu muranka ka taagan yahay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Axmed Madoobe oo ku wada sugan magaalada Garoowe ayaa horay ula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno kale.
Garoowe ayaa waxaa buux dhaafiyay siyaasiyiin kala aragti duwan, kuwaas oo halkaasi u tegay ka qeyb-galka shirka Madasha Aragti Wadaaga Machadka Heritage, kaas oo Maalintii labaad galay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





