Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa magaalada garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland maalintii labaad ka socda shirka Madasha Aragti wadaaga Machadka Heritage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Mucaarad iyo Muxaafad intuba.
Shirka oo Arbacadii shalay furmay ayaa waxaa khudbado kala ka jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynayaasha Mamullada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug iyo Madax kale.
Sidoo kale, maanta ayaa waxaa la filayaa in shirka ay khudbado kala duwan ka jeediyaan, iyaga oo hadli doona xaalada siyaasadeed ee xilligan dalka iyo Arrimaha la xiriira doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay.
Madaxda Mucaaradka iyo Mucaaradka ee ku wada sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay yeelan doonaan kulamo gar gaar ah oo ay uga hadlayaan tabashooyinka jira iyo xaalada dalka.
Madaxda maanta khudbadaha jeedin doonan ayaa waxaa kamid ah Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Xasan Cali Kheyre.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





