Sunday, April 19, 2026
29.9 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare ku dhacay COVID-19 xilli laga tallaalay

Pakistan (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa laga helay xannuunka COVID-19 sida uu ku xaqiijiyay bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo 68-jir ah ayaa sheegay in uu galay karantiil muddada qofka cudurka laga helo loogu talagalay in uu ka gaar noqdo bulshada inteeda kale si uusan ugu gudbin caabuqa.

Sheekada layaabka leh ayaa ah in Imran Khan uu toddobaadkii tagay uu qaatay tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19 gaar ahaan mid lagu sameeyay dalka Shiinaha oo dowladdiisa loogu talagalay.

Ciyaaryahankii horre ee Pakistan ayaa dadka qaatay tallaalka u laab-qaboojiyay maadaama isaga oo qaatay uu u dusay caabuqa si aysan ugu kalsooni bixin shacabka ku dhiiranayay qaadashada tallaalka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...