Egypt (Halqaran.com) – Xilli dagan oo nasiino ah oo ku wacan nolosha waxaa mararka qaar ka habboon in aad hesho qof kuu duuga ama kuu masaajeeya, balse mid ka mid ah xaruumaha dadka loogu masaajeeyo oo ku taala dalka masar ayaa waxaa dadka u masaajeeya masas aan laheyn sun.
Dadka soo booqda xaruuntaan ayaa dalbada dhowr nuuc oo masaajeyn ah oo ay ku jiraan masas aan laheyn sun, marka hore waxaa dhabarkooda loogu daliigaa saliid kaddibna in kabadan siddeed iyo labaatan nuuc oo masas kala duwan ah oo aan laheyn sun ayaa ka qeyb qaata howsha masaajeynta.
“Masasku waa nuuc ka mid ah masaajeynta waxaana laga leeyahay laba u jeedo oo kala ah mid jireed iyo mid nafsad ahaaneyd, tan jireed waa in la kiciyo wareega dhiiga iyo maskaxda, halka mida nafsad ahaaneydna ay tahay soo deynta hormoonada Endorphins oo ka caawinaya soo deynta dheecaanka hormoonka farxadda.” Sidaasi waxaa yiri Safwat Sudqi, oo ah milkiilaha xaruuntaan.
30-kii daqiiqo ayaa waxaa macamiilka laga qaadaa 100 Pound oo lacagta Masaarida ah oo u dhiganta 6.31 doolar.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





