Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Qarax lagu dilay guddoomiyihii deegaanka Leego ee G/Sh/Hoose

Wanlaweyn (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay xilli dambe qarax lagu dilay Guddoomiyihii deegaanka Leego ee Gobolkaas, xilli uu ku sugnaa degmada Wanlaweyn ee Gobolkaasi.

Guddoomiyihii deegaanka leego oo lagu Magacaabi jiray Xasan Gucdur ayaa u geeriyooday qarax loogu xiray Gaarigiisa, waxaana ku dhaawacmay qaraxaas laba askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyay geerida Guddoomiyihii deegaanka Leego oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Guddoomiyihii deegaanka Leego, waxaana weli dilkaasi si cad uga hadlin mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...