Kismaayo (Halqaran.com) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday mowqifkooda ku aadan go’aanadii ka soo baxay Shirkii dhawaan ay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ku yeesheen Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ay uga hadleen xaalada Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyay Go’aanada Midowga Afrika oo ay ka mid ahaayeen inay cambaareeyeen muddo kordhintii Golaha Shacabka ay u sameeyeen Hay’adaha dowladda, iyaga oo ku baqay in dib loogu laabto wada-hadallada la xiriira doorashooyinka.
“Jubbaland waxay soo dhawaynaysaa dadaalada Saxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya iyo war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha amniga Midowga Afrika ee 22 Abriil 2021, Waxaan aaminsanahay in heshiiska doorashada ee Sebtember 17 ay tahay waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo‘‘, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maamulka Jubbaland.
Si kastaba, inta badan qodobabdii ka soo baxay Shirkii ay yeesheen Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa ka soo horjeestay Xukuumadda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qodobadaas ay ahaayeen kuwo wax u dhimaya Madax bannaanida Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





