Wasiir Beyle oo sheegay in dhaqaale xumo soo waajahday DF Somaliya

Wasiirka Maaliyadda ee DF Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda ee DF Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in waddamada hodanka ah ay Dowladda Federaalka ka jareen dhaqaalihii ay ku kabi jireen Miisaaniyadda Qaranka.

Mr. Beyle ayaa sheegay in deeq bixiye-yaasha ay bishii August ee sanadkii 2020 joojiyeen kabkii dhaqaale ay ku taageeri jireen Miisaaniyadda Dowladda Federaalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in tan iyo xilligaa ay Dowladda Federaalka bixineysay mushaaraadka, ayna ku bixineysay dhaqaale ay horaan ka heshay Dowladaha Sacuudiga iyo Qatar.

“Lacagihii kabka ee lagu kabi jiray Miisaaniyadda Dowladda waala inaga jaray, waxaana nalaga jaray bishii August ee sanadkii hore. Intaa intii ka dambeysay si’ Allaa ku noolnahay, haddana weli mushaarkii waan bixinaa, waxaana ku bixin jirnay waxyaabo markii hore dalalkaa nooga yimid, sida Sacuudiga iyo Qatar. Waxaas oo dhan way soo dhammaadeen, December iyo January bay ku soo dhammaadeen, maanta sagxadda ayaan ku soconaa.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya C/raxmaan Beyle.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay isku tashi sameeyaan, si looga maarmo kaalmada shisheeye.

“Dalkan waxaa loo baahan yahay inay Soomaali yeelato, wejigaaga iyo sharaftaada waxay tahay marka aad adigu kharashkaga iska bixiso, oo wixii maalingelin ahna aad soo amaahatoo iska bixin doonto, markaasaa nin ragga tahay ama qof dumaroo wax gala tahay.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

“Deeq bixiye-yaashu, Ilaahay baa deeq bixiyee, ma deeq bay iyagu hayaan.” Ayuu yiri Wasiir Beyle oo intaa ku daray “Waa wax loo baahan yahay in laga guuro, laakiin taasi waa sheeko dheer oo waxbarasho, wecyigelin iyo carruurtoo hoosta laga soo bilaabo ayay u baahan tahay.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda ee XF Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hadalkan ka dhawaajiyay xilli uu madmadow soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, oo ka horyimid muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com