Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga oo ka soo hor jeeda muddo kororsiga ayaa yimid waqooyiga Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho waxaa xalay soo dhoobtay cutubyo ka tirsan ciidamada Militeriga Soomaaliya, kuwaas oo ka gadoodsan muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka soo bexeen furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana tan iyo xalay socday dadaallo lagu doonayo in dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen, waxaana arrintaas ku howlan saraakiisha ugu sareysa militeriga Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa la sheegay in uu xalay saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan uu ka dalbaday in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo baxeen, hase yeeshee ay taasi ka biya diideen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya, in saraakiisha ciidamadan ay maanta qorsheynayaan inay warbaahinta la hadlaan, si ay u shaaciyaan u jedkooda.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...