Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo ka digtay macluul adag oo ay wajaheyso dunida

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa billowday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo dalalka ugu saboolsan adduunka, taas oo ay kula dagaallami doonaan cudurka dilaaga ah ee Korona.

Madaxa gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa ka digay inay jiraan dalal badan ooay macluul ku sii kordheysa, kuwaas halka ay cunto yaraan baahsani ku habsatay, iyada oo uu dhaqaalahoodii uu saameeyay safmarkan dunida saaqay.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay shegeysaa in 265 milyan oo qof ay dhammaadka sannadkan wajihi karaan macaluul ba’an sababo la xiriira Fayraska Corona, waxayna codsaneysaa hay’addu lacag dhan $10.3 Bilyan oo doolar.

Lacagaha ay Qaramada Midoobay dalbaneyso ayaa waxaa loo adeegsan doonaa dalalka uu dhaqaalahooda cagaha badan ku taagnayn, iyadoo hay’addu ka digtay in haddii aaanan wax ficil ah la qaadin ay dunida mustaqbalka wajihi doonto dhibaatooyin la xiriira horumarka.

Hay’adda ayaa markii hore bishii Maarso ee sanadkan codsatay lacag dhan 2 Bilyan oo ay kula dagaallameyso Fayraska Corona oo saameyn weyn ku yeeshay dalalka ugu faqrisan dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...