Lix sano jir walaashii ka difaacay eey oo 90 qodob laga tolay wejigiisa!

USA (Halqaran.com) – Bridger Walker, oo ah wiil geesi ah oo 6 sano jir ah, ayaa si wayn loogu amaanay baraha bulshada ka dib markii uu walaashiis ka badbaadiyay eey soo weeraray.

Wiilka ayaa tallaabo degdeg ah oo difaac ah qaaday markii eeyga uu soo aaday dhanka walaashii oo 4 sano jir ah.

Sida ay baahisay CNN, eeyga weerarka ka dambeeyay wuxuu jiray 1 sano, sida qoyska ay ku sheegeen warbixin.

Eeygaas ayaa si xun u weeraray wiilka, wuxuuna u geystay dhaawac ba’an.

“Waxaa la yaab ah in eeyga halkii uu ordi lahaa inuu weeraray Bridger uuna ka jeexay dhabanka”, ayaa lagu yiri qoraalka qoyska oo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka.

Wiilkan ayaa la marsiiyay laba saacadood oo uu saarnaa saallada isbitaalka, waxaana muddadaas laga tolayay dhaawaca uu eeygaas u geystay. Waxaa la tolay 90 qodob, sida qoyska laga soo xigtay.

Markii uu aabihii weydiiyay sababta uu eeyga uga hor istaagay walaashii wuxuu ku jawaabay: “Haddii qof uu dhimanayo waa in aniga uu noqdo,” sida ku xusan qoraal ay heshay warbaahinta CNN.

Wiilka eedadii ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirradiisa taas oo soo jiidatay dareenka dad aad u badan oo kuwa caan ah ay ka mid yihiin.

Waxaa ka mid ah atariishada caanka ah ee Anne Hathaway oo tiri: “Ma ahi qof aarguta, balse waxaan garanayaa geesi, waxaanna arkay mid.” Waxay farriintaas ku qortay sawirka Bridger oo ay barteeda Instagram ka soo dhigtay.

Farriinta ay atariishadaa baahisay waxaa like saaray in ka badan 1 milyan oo qof, kumannaan kalena waxay ka dhiibteen aragtiyo kala duwan.

Qoyska wiilkaas waxay sheegeen in Jilaayaal ay ka mid yihiin Ruffalo, Tom Holland, Hugh Jackman, Zachary Levi, Walaalaha Russo iyo Robbie Amell, ay xiriir la soo sameeyeen.

Eedadii waxay sheegtay in sababta arrintan ay u baahisay ay tahay sidii ay hadallo dhiiragelin ah uga heli lahaayeen dadka kale ee geesiyada ah.

“Waan jeceylnahay wiilkeenna halyeyga ah, waxaanna dooneynaa in dadka kale ee geesiyada ah ay ogaadaan halyeygan cusub ee ku soo biiray”, ayey tiri.

Xigasho – BBC Somali

@Halqaran.com