Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Galmudug oo ka warbixisay Wajiga labaad ee Shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa faah-faahin ka bixiyay Wajiga labaad ee Shirka dhawaan lagu wado in uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Mr. Cali Daahir Ciid, ayaa tilmaamay, in Shirkaan diiradda lagu saari doono sidii xal buuxa looga gaari lahaa doorashooyinka iyo sidoo kale Xaaladdaha Amniga ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, ayaa sheegay in dhammaan ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda maamullada iyo kuwa dowladda Dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana diiradda lagu saari doono sidii loo wajaheyn lahaa Xaaladda dalka.

Cali Daahir Ciid ayaa ka dhawaajiyay, in Galmudug ay ku guuleysatay in wajigii koowaad ee Shirkaan uu ku soo dhamaado si wanaagsan, islamarkaana waqtiga xiga ay dadaal badan ku bixin doonaan Sidii uu ugu soo dhammaan lahaa is afgarad.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa intooda badan hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...