Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay duqeyn ay ciidamada Kenya ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Dadka dhaawaca ah ee la keenay magaalada Muqdisho ayaa u badan carruur, kuwaasi oo ku dhaawacmay duqeynta ay diyaaradaha Kenya ka geysteen deegaanka Ceelcade, iyadoona ku dhawaad lix carruur ah la keenay Magaalada Muqdisho.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya Aadan Xuseen Gureey oo kamid ahaa mas’uuliyiintii garoonka kusoo dhaweeyay dhaawacyada ayaa sheegay in carruurtaan dowladda Kenya ay guryahooda ku duqeysay, iyada oo ku marmar siyooneysa inay ka tirsan tahay AMISOM.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





