Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Ninka ugu ciddiyaha dheer dunida oo iska jaray ciddiyihiisa 66 sano kadib!

India (Halqaran.com) – Ninkan oo ahaa qofkii ugu ciddiyaha dheeraa adduunka ayaa ugu dambeyntii iska jaray. Shridhar Chillal oo u dhashay waddanka Hindiya ayaa bilaabay in uusan jarin ciddiyaha gacantiisa bidix markii uu ahaa 14-jir, sida laga soo xigtay Guinness World Record.

Isagoo hadda ah 82-jir wuxuuna heystaa rikoorka ciddiyaha ugu dheer hal gacan, Chillal ayaa u duulay Mareykanka si looga jaro ciddiyaha iyadoo la isticmaalay miinshaar yar, iyadoo lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday matxafka Ripley oo ku yaalla Times Square.

Chillal doorashadiisii aan caadiga aheyn ee uu ku balaariyey ciddiyihiisa muddo dheer kama hor istaagin inuu ku noolaado nolol caadi ah, matxafka Ripley ayaa sheegay in ninkaan uu guursaday isla markaasna ay u joogaan laba carruur ah isagoona ku soo shaqeeyay xirfadda sawir-qaadista.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...