Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ay baaritaano ku sameynayaan duqaymo dhawaan ka dhacay gobolka Gedo kuwaas oo dad rayid ah khasaare ka soo gaaray.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay in uu dal ka tirsan AMISOM ku lug lahaa duqeyntii diyaaradaha ee lagu dilay dad rayid ah oo ku noolaa gobolka Gedo.
Qoraalka ay Howlgalka AMISOM soo saareen waxay kaloo ku sheegtay inay ku howlan yihiin ururinta warbixinada la xiriira duqeyntaasi, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo daneeyayaasha kale inta ay AMISOM baarayso dhacdadaasi.
Dhinaca kale, AMISOM waxay sheegtay inay ka go’an tahay baaritaanada dhammaan eedeymaha la xiriira xadgudubyada heer kasta oo uu yahay ee ka dhan ah ciiddanka ka hoos shaqeeya taliskooda Soomaaliya.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





