Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

AKHRISO: Tirada laga saaray guddiyadii doorashooyinka ee cabashada laga keenay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee tabashada laga keenay ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heer Federaal, xalinta khilaafka iyo guddiyada doorashada maamul goboleedyada.

Guddiga xaqiijinta ayaa sheegay in 34 qof oo ka mida xubnihii cabashada laga keenay ay ku sameeyeen baaritaano dheeraad ah, isla markaana ay ka heleen eedeyntii loo soo jeediyay xubnaha oo aheyd inay yihiin shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan NISA.

Sidoo kale guddiga ayaa caddeeyay in xubnaha ay u kala direen maamul Goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay xubnahaas oo gaaraya 34 qof.

Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa laga saaray 11-xubnood, guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa laga saaray 3-xubnood iyo guddiga doorashada Somaliland oo laga saaray 7-xubnood.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...