Muqdisho (Halqaran.com) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nin la sheegay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dhacdadaasi naxdinta leh.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka oo lagu magacaabo Macalin Bashiir uu Xaaskiisa dilay, waxaana Bashiir uu ahaa shaqsi si aad ah looga yaqaano degmada Wartanabadda oo ah halka falku ka dhacay.
Haweenayda ayaa lagu magacaabi jiray Salaado, waxaana dilku uu ka dhacay xaafadda Geed-Jaceel ee degmada Wartanabadda.
ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ninka ku qasabtay inuu dilo xaaskiisa, waxaana dhacdadani ay dadka deegaanka ku noqotay mid naxdin ku abuurtay oo ay la yaabeen.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





