Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Axmed Madoobe iyo Deni oo qaaday tallaabo meesha ka saartay eedeyntii madaxweyne Farmaajo ee doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqday maamuladii u horeeyay ee soo magacaabay xubnihii guddiyada doorashada, maalmo un kadib markii magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiiskii doorashada.

Tallaabada ay qaadeen labada madaxweyne ayaa noqoneysa mid meesha ka saareysa eedeyntii Farmaajo ee aheyd in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay diidan-yihiin in dalka uu aado doorasho.

Axmed Madoobe ayaa 1-dii bishaan June u gudbiyey xafiiska Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta xubnaha maamulka Jubbaland uga mid noqonaya guddiyada doorashooyinka heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa tiradooda dhameyd 12-qof oo guddiyada doorashada ku meteli doona Jubbaland, kuwaas oo uu sheegay inuu magacaabistooda u cuskaday la tashiyo uu sameeyay iyo fulinta heshiiskii 17-kii September.

Sidoo kale, Wareegto kasoo baxday 2-dii bishaan xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iyadana lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Puntland, kuwaas oo gaaraya siddeed xubnood.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahaan ayaa loo gudbiyey xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa noqonaya maamuladii u horeeyay ee soo magacaaba xubnaha guddiyada doorashada, ayada oo ilaa hadda aysan xubnahooda soo gudbin maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...