Qasa (Halqaran.com) – Tobaneeyo gaadiidka waa weyn ee Cagafcagafyada ayaa waxaa ay ka gudbeen macbarka Rafax, si ay gacan uga geystaan dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii Xamaas iyo Israel ku dhex maray Qasa.
Injineerada iyo shaqaalaha Dhismaha ee Masar ayaa iyagana gaaray Qasa, si ay u dejiyaan Naqshadaha dib-u-dhiska ee dhismayaasha ay diyaaradaha dagaalka Israel baabi’iyeen.
Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masaarida ayaana la siiyey Qandaraaska Dib-u-dhiskaasi, iyadoo madaxweyne CabdiFataax El-sissi uu 5 million oo dollar ugu deeqaday dib-u-dhiska Qasa.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





