Garoowe (Halqaran.com) – Xubnaha Musharraxiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen waxa ay ugu baaqeen Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland inay ka laabtaan xubnaha guddiyada doorashooyinka Heer Federaal oo ay u soo gudbiyeen DF Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay shuruud ku xirtay ka laabashada Xubnahaas.
Xubnaha Guddiyada doorashooyinka oo ay musharraxiinta doodda ka keeneen ay Puntland soo gudbisay ayaa gaaraya Afar Xubnood, kuwaas oo ay kamid yihiin Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Lataliyaha Madaxweyne Deni.
Xog ay heshay warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegay in Puntland ay ku xirtay inay bedeleyso Xubnaha guddiyada doorashooyinka shuruud ah inay dhinacooda beddelaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
Maamulka Jubbaland ayaa dhankeeda weli wax jawaab ah ka bixin dalabkii Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo si weyn u qaadacay Xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





