Friday, December 12, 2025
26.3 C
Mogadishu

Puntland oo ka warbixisay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish

Bari (Halqaran.com) – Saacadihii la soo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa howlgallo kala duwan ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Howlgallada ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen in sigaar ah looga sameeyay dhulka Buuraha ah ee Cal-miskaad iyo Calmadow, halkaas oo ah Xarumaha ugu waaweyn ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in meelaha ay howlgallada Ciidamada ka sameeyeen ay aheyd Goobihii ugu weeynaa ee Al-Shabaab iyo Daacish ay hubka iyo Agabka kale ay ku xareysan jireen.

Wuxuu intaasi raaciyay wasiirka in Ciidamada Puntland ay ka guuleysan doonaan cid kasta oo isku dayda inay sameeyso falal Amni darro, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...