Monday, May 11, 2026
28.9 C
Mogadishu

Nuxurka Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweynihii hore ee Farmaajo +SAWIRRO

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa Madaxweynaha dooran ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid ay dhinacyadu uga hadlayeen wareejinta Qasriga Villa Soomaaliya, oo dhawaan uu ku shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee la doortay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweynihii hore ee dalka kaga mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo igu qaabilay xarunta madaxtooyada dalka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dalalka aan walaalaha iyo saaxiibada nahay ee dalkeena u soo diray dhambaallada hambalyada ah.” Ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay bartiisa Facebook.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...