Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Ciidamo Mareykan ah oo ku soo waajahan Somaliya & Madaxweyne Xasan oo ka hadlay

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Mareykanka, Joe Biden uga mahadceliyay ciidamada uu amray in dib loogu soo celiyo dalka, si ay uga qayb qaataan hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ciidamada Mareykanka oo gaarayay 700 oo askari ayaa dalka laga saaray bishii January ee sanadkii 2021, maalmo uun ka hor, intii aanu xilka wareejin Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.

“Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Joe Biden in uu ogolaaday in ciidamo Mareykan ah la keeno Somaliya.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Villa Somalia ee Twitter-ka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “Mareykanku waxa uu had iyo jeer ahaa saaxiib la isku halayn karo, inaga oo raadinayno xasillooni iyo inaan la dagaalano argagixisada.”

Macluumaad dhanka Sirdoonka ayaa muujinaysa inay korortay awoodda Al Shabaab, tan iyo markii ay Washington ciidamadeeda kala baxday Somaliya, tirada maleeshiyada Shabaabkana ay gaartay illaa laba iyo toban kun (12,000) oo dagaalyahan, halka 2020 ay tiradoodu u dhaxeysay shan kun illaa toban kun.

Afhayeenka Golaha Amniga Mareykanka, Adrienne Watson ayaa sheegtay tallaabada boqolaalka askari ee Mareykanku ku gaynayo Somaliya, ay wax ka tari doonto la dagaalanka Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...