Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Nin orday 300 oo KM isagoo sooman!

UK (Halqaran.com) – Afruz Miah waa 47 jir ku nool waddanka UK, warbaahinta dalkaas ayaa tebisay inuu orod ku gooyay bed dhuleed ka badan 300 oo KM isaga oo sooman.

22 maalmood ayay ku qaadatay inuu gaaro bartilmaameedkiisa, maalin kasta waxaa la sheegay inuu 15 KM ordi jiray isagoo af xiran. Sanadkii hore Afruz wuxuu wajahay xaald caafimaad xumo kaddib markii ay dhakhaatiirta u sheegeen inuu wadna istaag halis ugu jiro lix bilood gudahood.

Markaas waxaa loo sheegay inuu isbedel ballaaran ku sameeyo hab nololeedkiisa. Mr Afruz ayaa go’aansaday inuu isbedelkaas ku dhaqaaqo isagoo lacag ururin u sameynaya hay’adaha samafalka.

Ninkaan ayaa waxa uu ahaa macalin caan ka ahaa deegaankiisa wuxuu hadda isu rogay orodyahan caan ah, wuxuu orod uga kala gudbay magaalooyinka Leicester iyo London. Wuxuu xusay inuu qaato cunno inta uu sooman yahay shidaal u noqon karta oo isku dheelli-tiran.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...