Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Ciidamo Milateri ah oo la wareegay waddooyin ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka oo kasoo baxay furimaha dagaalka deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta gudaha u soo galay Magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka nuuca dagaalka ayaa xalay ku hoyday deegaano dhaca duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegay in Ciidanka ay kasoo horjeedaan muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadaas, uuna ka dalbaday inay dib ugu noqdaan aagaggii ay ka soo baxeen.

Dad ku sugan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya inay arkeen ciidamo badan oo wata gaadiidka nuuca dagaalka ee Tiknikada oo ku sugan Isgoyska Fagax iyo waddooyin kale oo ka tirsan Kaaraan iyo Hiliwaa, waxaana la sheegayaa in Saraakiisha Ciidanka la hadli doonaan Warbaahinta oo loo yeeray.

Saacadihii lasoo dhaafay waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidanka Milateriga, waxaana la tilmaamay in Ciidankaas ay kasoo horjeedaan muddo kororsiga Farmaajo.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...