Friday, April 17, 2026
27.8 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dameeyay dagaal Khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho ka dhacay iska horimaad dhowr goobood ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo xoogag kaloo taabacsan Midowga Musharraxiinta.

Iska horimaadka ayaa bilowday, kadib markii maanta ay is rasaaseyn ka dhacday Isgoyska Sanca ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, iska horimaad kaloo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay aagga Isgoyska Marinaayada ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo uu ku yaalo hoyga Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan, kadib markii Ciidamada Dowladda ay weerareen hoyga Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Halqaran News in dagaalkaasi leesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kadib markii Ciidamada Dowladda ay weerareen hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale xoogag taabacsan Midowga Musharraxiinta ayaa caawa weeraray fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Isgoyska Sayidka, oo laga ilaaliyo ammaanka Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in tiro madaafiic ah lagu ekeeyay Xarunta Villa Soomaaliya, qaarkoodna ay gudaha ugu dhaceen, inkastoo aan wax badan laga ogayn khasaaraha ka dhashay.

Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in ciidan ka amar qaata Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay soo weeraraan hoygiisa.

“Waxaa nasiib-darro weyn ah in ciidan ka amar qaata Madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horey uga digay, kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Masuuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka Amniga, Xasan Xundubey Jimcaale oo hadlayna waxaa uu beeniyay in Ciidamada Dowladdu weerareen hoyga Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Xundubey oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaase sheegay in Ciidamada Dowladda ay dagaal la galeen maleeshiyaad uu sheegay in la soo khalday, dibna ay magaalada uga saareen, sida uu yiri.

Wararka lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo dagaalka ka dhashay, balse aan faah faahin laga lahayn inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Si kastaba, dagaalkan ayaa imaanaya, iyadoo marar badan laga digay khatarta amni ee ka dhalan karta muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...