Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Nin muddo 15 sano ah aan shaqadiisa xaadirin bil kastana mushaarkiisa heli jiray!

Italy (Halqaran.com) – Ninkaan oo u shaqeynayay mid ka mid ah isbitaalada Talyaaniga ayaa lagu eedeeyay in uusan soo xaadirin shaqadiisa muddo 15 sano ah, waxa uuna bil kasta heli jiray mushaarkiisa oo dhammeystiran, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Ninkaan ayaa loo heystaa inuu joojiyay inuu u soo shaqo tago isbitaalka Ciaccio ee ku yaalla koonfurta magaalada Catanzaro sanadkii 2005-tii.

Waxaana la sheegay guud ahaan lacagta la siiyay muddadaas in ay gaareyso 464,000 oo Pound oo u dhiganta $647,592.

Waxaana baaritaan lagu ogaaday in ninkaan uu u hanjabi jiray gabar madax ka aheyd isbitaalka uu u shaqeyn jiray, waxaana sheekadiisa la ogaaday markii gabadhii madaxda ka aheyd isbitaalka ay shaqada ka fariisatay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...