Muqdisho (Halqaran.com) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Sabtida la leeyahay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Mar uu la hadlayay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, Senator Cabdi Xasan Cawaale oo la weydiiyay aragtidiisa ku aaddan hadalkii Madaxweynaha ee ahaa inuu Sabtida hortagayo Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu arrintaasi u arko mid laba weji yeelan karta.
“Waxaan is leeyahay waa arrin laba weji yeelan karta, dhinaca niyad samida haddaan ka eegno, haddee inuu Madaxweynaha la kulmo oo u sheego barnaamijkii awal Golaha Shacabka ay keeneen oo Baarlamaanka Soomaaliyeed u dhammeyn oo qayb ka mida Golaha Shacabka ay keeneen, ee ahaa muddo kororsiga inuu kala hadlo oo yiraahdo go’aamada siyaasadeed ay qaateen Madaxda Soomaaliyeed, Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo ahayd Madaxdii horey u saxiixday heshiiskii 17-kii September, anigu inuu u macneeyo arrintu meesha ay mareyso, waxba uma arkayo.” Ayuu yiri Senator Cabdi Qaybdiid.
Wuxuu kale intaasi raaciyay, “Laakiin dhinaca xun markii laga eeggo ama laga fiiriyo waxay keeni kartaa wax baansiin (batrool) ku sii shuba, ee ah khalad ka ballaaran kii hore ee lagu galo weeye, oo ay ka soo baxdo in Baarlamaanka uu qaato tallaabooyin uusan xaq u lahayn.”
“Yacni wuxuu noqon karaa inay mar kale ku celiyaan heshiiskan is afgaradka iyo is fahamka ah ee la gaaray, oo ahayd in Somaliya doorashadii leeskugu soo laabto oo la heshiiyo. In nabadda horey loo sii wado waa wax ku keeni kara burburkii iyo dhibaatadii ay keentay go’aamadii shalay ay qaateen Golaha Shacabka, ay keentay in taasoo boqolaal qof ahi u barakaceen, qaar qalalaasihii dad ku dhintay, dad-na ku dhaawacmay, dhibaatadii ka dhalatay go’aankii hore uu Golaha Shacabku qaatay weeye mid lamid ah ama wax ku sii shubaya baansiin inay keenaan midda aan ka digaynaa anagu.” Ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.
Madaxweyne Farmaajo oo 28-kii bishan jeediyay khudbad uu ugu talagalay shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheelitiro heshiiska siyaasadeed ee horey loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





