Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Ciidamada Nabad Sugida ee maamulka Galmudug gaar ahaan kuwa ka Howlgalla Magaalada Dhusamareeb ayaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay ku fashiliyeen qarax lagu Aasayay meel ka mid ah magaalada.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaan oo ahaa Miino la qabtay Nin ku Aasayay hareeraha wado dhex-marta magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Suuqa jaadka lagu iibiyo, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen ninkii miinada aasayay.
Wararka ayaa sheegaya, in qaar kamid ah Haweenka Jaadka iibiya ay arkeen Ninka miinada Aasayay, sidaasina ay Ciidamada ugu wargeliyeen.
Ninka miinada Aasayay oo gacanta lagu dhigay ayaa la geeyay xarun Ciidamada Nabad Sugida ku leeyihiin magaalada Dhuusamareeb.
Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayaa waxa ay ka mid aheyd goobaha ugu amniga wanaagsan deegaannada Galmudug, balse sanadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amni darro ah. Mas’uuliyiinta maamulkuna waxa ay sheegeen inay ka hortagayan falalkaasi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






