Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kulul uga hadlay hadal uu ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, kaasi oo uu ugaga hadlay shirka doorashada.
Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in Duqa Muqdisho laga doonaayo in xarunta maamulka gobolka Banaadir laga jartay korontadii uu ku soo celiyo intii ku baaqi lahaa in la dilo Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka.
Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa korontada laga jartay kadib markii lagu yeeshay lacago fara badan.
“Haddii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay ” Cumar Finish wuxuu yiri musharraxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!.”
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com