Muqdisho (Halqaran.com) – Mid ka mid ah Nabaddoonada ku nool magaalada magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Nabaddoon Macallin Cabdi Siyaad Geedi ayaa maanta lagu dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Nabadoonka ayaa waxaa dilay kooxo Biskoolado ku hubeysan oo dhowr xabadood ku dhuftay xili uu nabadoonka ku sugnaa gudaha Suuqa Ariga ee uu ka shaqeynayay.
Kooxdii dilka gaysatay ayaa meesha ka baxsatay, waxaana ay ahaayeen dabley Bistoolado watay oo dadka ku dhex dhuuntay.
Allaha u naxariisto Nabadoonka ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu ka mid ahaa Odayaashii wax ka soo doortay Baarlamaanka Waqtigiisa dhammaaday ee hadda shaqeeya.
Dilalka loo gaysto Nabadoonada iyo dadka waxgalka u ah Bulshada ayaa ku badan Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





