France (Halqaran.com) – Waxaa dalka Faransiiska laga diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee nuuca cusub ee cudursidaha Coronavirus, taasoo keentay shaki ah in mowjado kale oo la xiriira fayraska ay ku dhuftaan France.
Wasaaradda caafimaadka Faransiiska ayaa ku warrantay in nin Faransiis ah oo dhawaan kasoo laabtay magaalada London, laga helay fayraska cusub.
Ninkan oo ku sugan magaalada Tour ayaa London ka tagay 19-ki bishaan, waxaana hadda uu isku karantiilay gurigiisa. Sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka, xaaladda ninkaan ayaa hadda wanaagsan.
Nuucaan cusub ee cudursidaha Coronavirus ayaa laga helay dalka Ingiriiska.
Wasiirka Caafimaadka Britain, Matt Hancock ayaa sheegay, in ilaa 1000 kiis oo la xiriira xanuunkani lagu arkay koofurbari ee dalka England.
Si kastaba, arrintaasi ayaa waxa ay keentay in dalal ka badan 40 ay xuduudahooda ka xirteen safarrada ka imanaya dalka Ingiriiska.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





